Israa’iil oo loogu baaqay in duullaanka Qaza aynan ku sii ballaarin Daanta Galbeed

Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub ,Josep Borrell ayaa Israa’iil ugu baaqay in duullaanka militari ee ay tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore ay ka waday Qaza aynan ku sii fidin Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in duullaan wayn uu ka socdo Daanta Galbeed taasina ay horseedi karto burbur ay baaxadiisu la mid tahay kii ka dhacay Marinka Qaza.
Waxay tani imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ay Israa’iil gudaha Qaza ku dishay ugu yaraan 40,534 qof halka la dhaawacay 93,778 kale .