Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe culus oo dhaqaale ay uga sameyneyso dadka reer Miyiga ah ee dhaqda Geela, kuwaas oo dhibaato badan ay ku heyso kooxdu, sida ay ogaatay Saxaafada.com
Al-Shabaab waxay deegaanada ay joogaan ka sameysteen xeryo waaweyn oo Geela baadida ah ama aan cidi ilaashaneyn ay ku xareystaan, kadibna waxay dadkii lahaa ka qaadaan lacago baad ah.
Dadka Geela dhaqda ee ku nool dhulka fog-fog ee miyiga ah ayaa ka cabanaya dhibaatada Khawaarijta, kuwaas oo farriin u soo diray dowladda, iyagoo codsanaya in laga soo gaaro oo laga kiciyo cadowga.