Brazil oo ayiday xayiraad la saaray barta X

Dhammaan 5-ta garsoorayaal ee maxkamadda ugu sarreysa dalka Braziil ayaa ayiday amar gudaha waddankaasi looga mamnuucay barta X ee Elon Musk.
Amarkan ayaa dhaqan galay Sabtidii waxaana horay u soo saaray garsoore Alexandre de Moraes.
Tani ayaa timid ka dib markii barta X ee horay loo yaqaanay Twitter-ka ay ku guul darreysatay in muddo kama dambeys ahayd oo ay maxkamaddu u qabatay ay ku soo magacawdo wakiil dhanka sharciga u qaabilsan oo ku matalo Braziil.