Maamullada jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee (DRC) ayaa sheegay in 129 ruux la dilay xilli ay isku dayeen in ay ka baxsadaan xabsiga dhexe ee Makala ee caasimadda Kinshasa.
Waxaa arrinkan bayaan uu soo dhigay barta X ku xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha ee DRC Shabani Lukoo.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in maxaabiista ay isku dayeen in ay xabsiga ka baxsadaan iyadoo uu dhismahaasi dab ka kacay.
Waxaa uu xusay in 24 ruux oo ka mid ah dadka dhintay la xabbadeeyay ka dib markii loo digay.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in ay dhaawacmeen 59 ruux oo kale.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inuu jiro burbur wayn oo soo gaaray xabsigaasi sidaasi awgeedna uu kulan degdeg ah la yeelanaya adeegyada difaaca iyo amniga.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in xaaladdu la dejiyay.
Xabsiga Makala ayaa ah midka ugu wayn ee DRC waxaana loogu talagalay in lagu hayo 1,500 oo maxaabiis ah.