Ciidamada Israa’iil oo 8 qof ku dilay Qaza

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa 8 qof ku dilay xerada qaxootiga ee Jabalia ee Qaza.
Dadkan ayaa la bartilmaameedsaday xilli ay saf ugu jireen in ay rooti ka iibsadaan dukaan ku yaalla bannaanka dugsi ay maamusho hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA .
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 40,786 qof iyadoo la dhaawacay 94,224 kale.