Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa ku dhawaaqey in wixii ka bilowda maanta uu si toos ah u hawlgalay Bangiga dhiigaa Qaranka.
Munaasabadda shaacinta ololah dhiig bixinta ayaa gobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, maamulka agaasimaha Bangiga Dhiigga, Agaasimaha Isbitaalka Benaadir iyo xubno kale.
Dhammaan madaxdaasi oo uu hogaaminayey Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa dhiigooda ku deeqey waxay noqdeen mas’uuliyiintii ugu horreysey ee si mutadawacnimo ah usii bixiya dhiig maadaama Ololahan ay ka wada qeyb qaadan doonaan dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhismaha Bangiga dhiigga ayaa soo marey heerar kala duwan waxaana ugu dambeyn lagu guuleystey dhamaystirkiisa iyo in uu si toos ah u howlgalo.
Bangiga dhiigaa Qaranka ayaa si weyn u xoojin doonaa silsilada sahayda Caafimaadka ee xudunta u ah kaydinta dhiiga iyo in muwaadinku si sahlan ay ugu dhiman dhiig la’aan.