Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ama Daacish, iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen.
Xubnaha la sheegay ayaa ah ilaa todoba xubnood oo ciidamada amaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan.
Xubnaha ayaa la sheegay in qaarkood lagu qabtay dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze.
Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo.
Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaasoo baaritaan lagu wado.
Putland oo gacanta ku dhigtay hub dagaal oo Soomaaliya ku cusub
