Tiro ka badan 60 qof oo ku dhintay biyo xireen ku dumay Dalka Suudaan

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 60 ruux ka dib markii uu biyo xireen ku dumay Waqooyiga Bari ee dalka Suudaan.
Tani waxaay imaanaysa iyadoo Suudaan ay la daala dhacaysa saameynta ka dhalatay roobab culus oo da’ay daadadna sababay.
Wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ayaa bayaan ku sheegtay inuu jabay biyo xireenka Arbaat Dam ee Waqooyiga magaalada Port Sudan .
Tan iyo bishii Afaraad ee sanadkii tagay, waxaa Suudaan ku dagaallamayay ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF.