Waxaa wali sii xoogeysanaya weerarrada ay taangiyada dagaalka ee Israa’iil ka gaysanayaan magaalada Deir el-Balah ee bartamaha maarinka Qaza.
Sidoo kale bambooyin lagu bartilmaameedsaday xerada qaxootiga ee Maghazi ayaa waxaa lagu dilay tiro ka badan saddex qof oo Falastiiniyiin ah.
Tani waxaay imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay sheegaysa in danta ay ku qasabtay in ay hakiso howlaha gargaarka ee ay ka bixinaysay gudaha Qaza.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil amartay in daadgureyn shacab laga sameeyo magaalada Deir el-Balah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii tagay, duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 40,435 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 93
Israa’iil oo wali duqeymo culus ka wado bartamaha Maarinka Qaza
