Ilo Xog-ogaal ah oo ku sugan Dekadda Muqdisho ayaa Shabelle u sheegay xalay in Dowladda Soomaaliya ay la soo degtay hub culus, kadib markii Markab ay leedahay oo uu ka babanayo Calanka Masar uu kusoo xirtay Dekeda islamarkaana lagu daadgureeyay hubka Gawaari waa weyn.
Muuqaalo lagu duubay taleefanada Gacanta ayaa muujinayey gawaari hub culus sida iyo gaadiid dagaal oo gaashaaman oo kasoo baxaya dekada isla-markaana dhex marayey xalay waddooyin laga xanibay socodka gaadiidka shacabka.
Hubkaan ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in ay qaarkood ku howlgeli doonaan Ciidanka Masaarida ee dalka imaanaya halka qeybta kalena Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo iibsatay Masar.
Xogo iyo macluumaad dheeri ah oo ay Shabelle heshay ayaa sheegaya in hubkan oo dejintiisu ay maalmo socon doonto la geeyay intii ugu horeysay ee laga soo dejiyay Markabka Wasaaradda Gaashaandhigga halka qeybaha kalena la geeyay goobaha kale ee hubka dowladda lagu keediyo.
Xalay ilaa Saaka waxaa la xanibay waddada ka baxda Dekadda Muqdisho illaa inta laga gaarayo Gaashaandhigga, waxaana waddooyinkaasi lagu arkayaa ciidanka dowladda, sida Booliiska iyo Militeriga oo gaaddiidkooda wata.