Putland “Xasan Sheekh waa Ma-gafe waxa uu isbaaro u dhigtay mashaariicdii horumarinta ee laga fulin laha Puntland”

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inuu Ma-gafe u aqoonsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Dirir ayaa ku dhowaaqay arrintaan, isaggoona madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu xanibay dhamaan mashaariicdii laga fulin lahaa deegaanada maamulka, inkasta oo dowladda dhexe ay horey ugu eedeysay Deni inuu hortaagan yahay arrintaan.
Wasiirka oo wareysi siiyay warbahin maxaali ah ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsaday magaca Ma-gafe oo sida caadiga ah loo yaqaan shakhsiyaad qawleysato ah, kuwaasi oo lacag madax-furasho ah ka qaata tahriibayaasha.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxa uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof Ma-gafe ah oo isbaaro dhigtay.”
Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan ku eedeeyay dastuur jebin iyo ku tumashada sharcigii lagu soo doortay, uuna ku howlan yahay baabi’inta nidaamka dowladnimada Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.
si kastaabo Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa muddo si toos ah u wada-shaqeyn, ayada oo uu si weyn u saameeyay khilaafka labada nin ee u sareeye waa Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kuwaas oo isa seegay tan iyo markii uu Xasan magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha.