Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaa sidaas Arbacadii ku dhowaaqay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Qeybta Maryland.
Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Waxa uu ka soo hor muuqday garsoore maxkamadeed Erin Aslan ka dib markii la xiray.
Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada.
Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa Plan B ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel.
Bilihii May iyo June 2024, Teekaye waxa uu iibsaday rasaas iyo waqtiga goob toogashada lagu sameeyo oo ku taalla Severn, Maryland, taasi oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “tababar.”
Markii dambe waxa uu isku dayay in uu iibsado qoriga Kalashnikov K-9 9mm bishii July 2024, balse waa loo diiday sababo la xiriira in kiis dambi ugu jiray diiwaanka gobolka.
Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka.
Teekaye ayaa helay fiisaha elektaroonigga ah ee Itoobiya, iyo ticket diyaarad oo uu ka helay dagaal-yahanada Daacish, si uu uga safro garoonka diyaaradaha BWI isaga oo ku socda Soomaaliya, siina maraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib marka uu ku hakado magaalada London.