Namibiya oo iska diiday In dalkeeda u noqdo maarin Israa’iil hub loo maariyo

Markab ay mas’uuliyiinta Namibia uga shakiyeen inuu sido shixnad milateri oo ay Israa’iil ugu talo-gashay dagaalka ka socda Qaza ayaa laga hor istaagay inuu ku xirto dalka Koonfurta Afrika ku yaalla.
Wasiirka cadaalada Namibia Yvonne Dausab ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in markabka la joojiyay sababtoo ah waxa uu sitay walxo qarxa oo loo waday Israel.
Markabka MV Kathrin, oo ka yimid dalka Vietnam, ayaa codsaday oggolaansho uu ku soo xidho dekedda Walvis Bay .
Waxaa u ku sii jeeday waddo la tuhunsan yahay oo ku wajahan badda Mediterranean-ka ee sii marta marinka Gibraltar.
Kooxaha xuquuqda ayaa ka digay in Namibia ay ku lug yeelan karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha haddii ay u ogolaato in markabka uu ku soo xirto.
Lama ooga sababta uu markabku u doonayay in uu ku soo xirto.
Bishii Disembarsanadkii hore ayaay ahayd markii dalka Namibia ee deriska la ah iyo Koonfur Afrika uu ka billaabay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) dacwad ku socota Israa’iil oo ah in ay xasuuq ka geysatay Gaza.