Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa goor dhoow la filayaa in uu u duulo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa.
Safarka Axmed Madoobe ee maanta ayaa ka dhigan in uu fashilmay shirkii madasha ee maalmahaan Muqdisho uga socday Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul-goboleedyada.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in aan laga hadli karin doorasho iyo masiirka umadda ilaa shirka ay ka soo qeyb galaan Puntland iyo SSC-KHAATUMO.
Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaarihiisa Xamse ayaa isku day badan sameeyay si Axmed Madoobe ay ugu qanciyaan ajandahooda Siyaasadeed balse kuma aysan guuleysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u lumisay xiriirka Puntland, waxaana muuqata in Jubaland ay wadadaas qaaday.