Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in bilihii lasoo dhaafay ciidamada Gorgor si tartiib ah looga soo saaray deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobolkaasi.
Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in amarka lagu soo raray ciidamadaas uu bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadibna sidaas lagu soo celiyay ciidamada.
Xildhibaan hore Maxamed Abuukar Aweys oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ciidamada Gorgor ay soo faarujiyeen dhamaan goobii ay ka joogeen Gedo.