Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la bilaabayo ka faideeysiga kheyraadka Shidalka iyo waqtiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabooyin is xigxiga u qaadaysa in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, horay ayaayna heshiis arrinkaas ku saabsan oola gashay dowladda Turkiga.
Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta dowladda Soomaaliya Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in bisha September uu dalka imaan doono Markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo samaynaya sahankii u dambeeyey meelaha ku haboon in laga qodo ceelasha shidaalka.
Waxaa uu xusay in horraanta sanadka 2025-ta la filayo in la bilaabo qodista rasmiha ah ee shidaalka, taas oo noqonaysa tallaabo wax ku ool ah oo looga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Sidoo kale Dr Cabdirisaaq ayaa sheegay in Soomaaliya ay xubin ka noqonayso hay’adda caalamiga ah ee tamarta laga dhaliyo Nukliyeerka, (IAEA) taas oo faa’iido weyn u soo kordhinaysa Soomaaliya.