Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka oo sualo weydiyaay Hantidhowraha iyo Xisaabiyaha Guud

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday xafiisyada Hanti dhowraha Qaranka iyo Xisaabiyaha guud ee dalka.

Masuuliyiintan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay mudane Axmed Ciise Guutaale oo ah Hanti dhowraha Qaranka iyo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo ah Xisaabiyaha guud ee dalka.

Xubnaha guddiyada maaliyadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Hanti dhowraha iyo Xisaabiyaha guud waxa ay ka dhagaysteen warbixino ku saabsan Mashaariicda dalka, halka ay marayaan iyo caqabadaha hor taagan fulintooda.

Sidoo kale xubnaha labada guddi ayaa mas’uuliyiinta xafiisyadan weydiiyay doorka labada xafiis uu ku leeyahay mashaariicda dalka ka socota iyo fulintooda.

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa maalmihii dambe waday kulamo ku saabsan mashaariicda ku jirto miisaaniyadda Qaranka.uddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen Maandooriyaal halis ku ah bulshada Caasimadda kaas oo lagu gubay duleedka Degmada Kaaraan.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay laamaha Amniga howlgallada ay kusoo qab qabteen Maandooriyaha, asigoona ugu digay cid kasta oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in lala tiigsan doonno sharciga.
Goobta lagu soo bandhigayay Maandooriyaha waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi, Guddoomiyeyaal Degmo iyo saraakiil kale.