Itoobiya ayaa sheegtay in howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee la qorsheeyay in lagu badalo ATMIS uu khataro ku yahay amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Africa.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayay ku sheegtay in aysan “indhaha ka daawan karin iyadoo ay dowlado kale qaadayaan tillaabooyin ay ku carqaladeynayaan xaaladda deganaansho ee gobolka,”
Itoobiya waxay ku eedaysay dowladda Soomaaliya dalkeeda u ogolaatay inay yimaadaan Ciidamo ka socda Masar oo abuuri kara isku dhac quwadaha gobolka. Waxay intaas ku dartay inay si dhaw oo feejignaan ay ku jirto ula socoto dhaq-dhaqaaqa Masar ka bilowday Soomaaliya oo amaankeeda halis ku ah.
Itoobiya iyo Masar ayaa ka dhaxeeya xiisad xoogan, oo salka ku haysa arinta biyo xireenka webiga Nile, oo xukuumadda Addis Ababa ka dhistay mashruuc ballaaran oo koronto uga dhalinayso, kaasoo Dowladda Al-Sisi ay ku tilmaantay mid sharci daro ah oo yareeyay qulqulka biyaha dalkaas Masar gaari jiray.
Waxaa la digay in Ciidanka Masar ee la geynayo gobollada Soomaaliyeed ee ku yaalla xuduuda Itoobiya ay abuuraan colaad saameysa guud ahaan gobolka.
Hadalkan dowladda Itoobiya ayaa imaanaya iyadoo Masar iyo Soomaaliya ay xoojinayaan iskaashiga dhanka milateriga ah, islamarkaana dhawaan heshiis wada galeen kadib safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh bishan u tagey magaaladda Qaahira.
Itoobiya oo sheegtay in Amnigeeda Qaranka u halis ku jiro
