Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal kala duwan oo loo haysto dambiyo culus.
Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ragga lasoo qabtay ay magaalada Muqdisho ka wadeen falal liddi ku ah amniga, halisna ku ah bulshada caasimadda.
“Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.
Lamaha amniga ee Soomaaliya oo soo xiray dhalinyaro loo haysto qalqal-gelin amni
