Madaxweyne Laftagareen oo kala diray garsoorayaasha Gobolka Sh/Hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kala diray Dhammaan Garsoorayaasha ka howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Dowlad Goboledkaasi.

 

Wareegtadaan oo maanta oo taariikhdu tahay 25 ka octobar ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu kala diray garsoorayaasha maxkamadda facfaanka,kan gobolka Sh.Hoose iyo ku xigeenada garsoorayaasha.