Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi inuu si rasmi ah ugu shaaciyo ama ku soo bandhigo musharraxnimada Raila Amolo Odinga.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi ayaa u tartamaya jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Dhowr ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ayaa la filayaa in ay munaasabadaasi ka soo qayb galaan.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Kenya Dr. Korir Sing’Oei ayaa sheegay in ololaha ku aaddan musharraxnimada Raila Odinga ee xilka AUC-da uu billaaban doono ka dib marka uu madaxweynaha la wadaago qaaradda iyo caalamka.
Waxaa uu ammaanay waaya aragnimada siyaasadeed iyo waddaniyadda Raila Odinga oo uu ku tilmaamay mid aan lala barbardhigi karin musharraxiinta kale ee jagadan kula tartamaya
Musharraxa Xilka Midowga Afrika ee dalka Kenya oo maanta si rasmi ah loo shaacinayo
